Jowharonline, Febraayo  07,2009,  Muqdisho, Soomaaliya.

 

 

 

Madaxwenaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo maanta ka degay Muqdisho.
 

Waxaa maanta soo gaaray caasimada Soomaliya wafdi ballaaran oo uu hor kacayo Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axcmed.

Soo dhoweyn heer sare ka dib waxaa madaxweynaha loo galbiyay xarunta madaxtooyada ee villa SOOmaliaya.

Madaxweynaha oo wareysi gaaban siiyay warbaahinta ayaa sheegay inuu magaalada Muqdisho u yimid wadaxaajood iyo sidii wadahadalo loola furi lahaa kuwa ka maqan wadaxaajoodka.

Dadka reer Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay imaatinka madaxweynaha iyagoo Ilaah uga baryeen inuu uga dhigo kii nabad ku soo dabaala Soomaliaya. 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

webmaster©jowharonline.com