|
Jowharonline.com |
|||||||
|
Jowharonline, Desember 20, 2007,Muqdisho/Jowhar, Somaliya. |
|
||||||
Ururka Howl-wadaag iyo Kooxda HYPS ee heer labaad ee Finland oo markii labaad deeq sport soo gaarsiyeen caruurta gobolka Sh/dhexe. Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Finland gaar ahaan ururka Howl-wadaag iyo kooxda heerka labaad ee dalka Finlad HYPS ayaa deeq qalab isboorti soo gaarsiisay maamulka Gobolka Sh/dhexe, iyagoo usoo marsiiyey dhalinyaro u dhalatay gobolka Sh/dhexe.
Qalabkaani ayaa ka koobnaa sideed kooxood oo kubada cagta ah kuwaasoo loo kala qeybiyey sideeda degmo ay ka kooban yahay Gobolka Sh/dhexe, qalabkaani ayaa lagu wareejiyey gudoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Md. Maxamed Cumar Deelle. Sidoo kale waxaa nasiib u yeeshay oo meesha xaadir ku ahaa degmada Raage Ceelle oo ah degmooyinka cusub ee hada soo kobcaya waxayna u mahadceliyeen jaaliyada reer Finland iyo waliba kooxda heerka labaad ee HYPS ee dalka Finlad.
Waxaan mar walba leenahay dadaalkii badiya ku aadan wax u qabashada gobolka aad ka soo jeedaan iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gobolka iyo caasimada Somaliya kuwaasoo idiinkaga baahan kaalmo kastoo dhaxal gal u noqon karta caruurta iyo dadka taagta daran ee aan waxba qabsan karin ayuu ku dardaarmay gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Md. Deele. Sidoo kale qeybtii koowaad ee qalab oo ka koobnaa 7 koox ayaa loo qeybiyay caruurta magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha Boondheere iyo Shibis.
Ma ahan markii ugu horeeysay ay deeq noocaan oo kale ah ay soo gaarsiiyaan gobolada Sh/dhexe iyo Banaadir. Jaaliyada reer Finland oo ay hurmuudka u yihiin Md. Cismaan Cabdi Jeelle iyo C/shakuur Dhagacade oo labaduba isku taxalujiyey inay qalabkaani soo gaarsiiyaan Maamulka iyo degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Sh/dhexe iyo gobolka Banaadir.
|
| ||||||
|
Webmaster©jowharonline.com |
|||||||