Jowharonline, Maarso 17, 2008, Helsinki , Finland.

 
 
 

Hay’adda ugu sareysa sportiga Finland ee Finnish Sports federation  (SLU) oo abaalmarin heer qaran  guddoonsiisay muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool Finland.

 

Abaalmarinta loo yaqaan urheilu on yhteinen kieli ama Sports has a common launguage awards ayaa la guddoonsiiyay muwaadinka Soomaaliyeed ee Cabdishakur Maxamuud Macalin.

 

 

 

Abaalmarintan oo ah mid heer qaran ayaa waxay ka mid tahay abaalmarinada  sanadkiiba mar la guddoonsiiyo shaqsiyaadka sportiga Finland wax ka tara ama magaca ku yeesha sida cayaaryahanka sannadka, macalinka sannadka, kooxda sannadka. Sidoo kale waxaa la abaal mariyaa shaqsiga sannadka ee wax ka tara ama wax muuqda u qabta ajaaniibna degan Finland.

 

 

Cabdishakuur ayaa ku mutaysay abaalmarintan dadaal uu u soo galay sidii bariga magaalada Vantaa looga helgelin lahaa dhaqdhaqaaq sporti oo ay yeeshaan dadka ajnabiga ah ee degan halkaas gaar ahaan Soomaalida, iyo sidii caruurta Soomaaliyeed iyo kuwa kaleba ay u yeelan lahaayeen hiwaayad, loogana badbaadiyo inay ku soo dhacaan banaanka.

 

  

 

Ururka dhaqanka Soomaalida ee bariga Vantaa (Itä-Vantaan Soamlikulttuuriyhdistys ry) oo ah mid ka mid ah ururka ugu weyn magaalada Vantaa gaar ahaan xaafada si aadka ay u degan yihiin Soomaalida ee Koivunkylä ayaa qeyb weyn ka ahaa abaabulka loo galay sidii caruurtaas loogu heli lahaa nidaam sport oo waara, iyadoo uu horseed ka yahay Cabdishakur Maxamuud Macalin ayaa waxaana lagu guulaystay in la dhiso toddobo koox oo ciyaara ciyaaraha kala duwan, waxaana ka mid ah afar koox oo wiilal ah oo dheela cayaarta kubbadda cagta kana qeyb-qaata tartamada heerarka kala duwan ee xiriirka kubbadda cagta ee Finland iyo seddex kooxood oo gabdho ah oo dheela cayaaro kala duwan.

 

Kiteeriyaha C/shakuur lagu siiyay abaalmarinta.

 

Sannadkii 2006,da ayuu C/shakuur aas-aasay qeybha dhalinyarada iyo cayaaraha ee Ururka dhaqanka Soomaalida ee bariga Vantaa. Isla sannadkan ayuu C/shakuur diyaariyay tartan kubbadda cagta oo ay ka soo qeyb galeen seddex kooxood.

 

Halkan ka aqriso iyadoo ku qoran af Finnish.

 

 

Sannaadkii 2007, da bishii Juun ayuu C/shakuur diyaariyay tartankii ugu horeeyay ee cayaaraha fudud oo ay ka soo qeyb galeen caruur tiradooda kor u dhaafayso 110 oo u kala dhashay ilaa 20 dal.

 

Halkan ka aqriso iyadoo ku qoran af Finnish.

 

Sannadkii 2007,da ayuu markii labaad diyaariyay tartankii kubbadda cagta, iyadoo xilligan ay tartarnkaa ka qeyb galeen ilaa 12 kood oo isugu jiray kooxo Finnish ah iyo ajaaniib ah.

 

Halkan ka aqriso iyadoo ku qoran af Finnish.

 

 

Sannadihii 2006 ilaa 2007 ayaa waxaa yaraaday ama gebi ahaan dhamaaday dhibaatadii ay caruur ajaaniib u badan ku hayeen maktabada ama laibeririga xaafada Koivunkylä taas oo loo fasirtay inay caruurta ay heleen hiwaayad halkii ay dhibi laheen laibeririga.

 

Muwaadinkaan Soomaaliga ah oo abaalmarintan ku helay dadaalkiisa uu ka geystay Finland, ayaa waxaa u dheer inuu gacan ka geysto wax u qabadka caruurta Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya, wuxuuna muddo laba sano oo isku xigta uu u diray caruurta soomaaliyeed ee ku nool gobolada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe qalab sporti, isagoo hadda ku tala jira  inuu u diro sannadkii seddexaad, welibana gaarsiiyo gobolo kale oo codsiyo uga yimideen. Qalabakan ayaa waxaa sannad walba ku deeqdo kooxda kubbadda cagta ee HYPS oo heerka labaad ka ciyaarta wadanka Finland.

 

Halkan ka fiirso war bixin ku saabsan deeqdaas sport.

 

C/shakuur oo wareysi siiyay TV,ga cayaaraha ee (urheilu kanava) ayaa ku  sheegay inay fududahay in la dhiso koox laakiin loo baahan yahay dulqaad, waayo ayuu yiri C/shakur waxaa laga yaabaa inaad noqoto, maaumulaha kooxda, tabaraha, darawalka kooxda, taageeraha kooxda iyo weliba waalidka kooxda, maadaama ay waalidiinta ajnebiga ah ay inta badan caruurtooda ku taageerin cayaaraha. Wareysigaas qofkii raba wax uu ka daawan karaa Tv,ga urheilu kanava Arbaca 19.3 saacada 13:00 pm ama Axada 23.3. saacada 8:00 am.

 

Bahweynta cayaaraha ee Finland iyo caalamka waxay hambalyo u diraayaan C/shakuur Maxamuud Macalin abaalmarinta uu ku guulaystay awgeed.

 

 

Waxaa soo diyaariyay
Cusmaan Cabdi Jiile

hormagaale@hotmail.com 

 

 

Jowharonline

 


 

 

   
Webmaster©jowharonline.com